Mudane ka tirsan Golaha Wakiilada oo Madaxwayne Rayaale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay isku-day dil

HARGEYSA – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in uu ka dambeeyay isku-day dil oo horraantii bishan lala beegsaday Mudanaha.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in isku-day dil oo 4-tii bishan ay saddex Nin isku dayeen in ay goor habeenimo ah toogasho ku dilaan, balse uu ka badbaaday uu ka dambeeyay Madaxweyne Rayaale, ka dib markii sida uu sheegay uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in la sii daayo Taliyihii Dembi-baadhista ee Berbera. “Isku daygii dil ee hore waxa fuliyay sadex nin oo xidhan dhar mad-madow, waxaana nalaga toogtay meel 13 tallaabo noo jirtay habeen caddo ahna way ahayd. Wax lala waayi karana may ahayn, laakiin nasiib iyo xagga illaahay ayaanu ku badbaadnay.” Ayuu yidhi Mudane Qabile, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Kiiskaasi waxaanu u gudbinay Taliska guud ee ciidanka Booliska, aad baan uga mahad naqayaa inuu Taliyaha ciidanka Boolisku xil weyn ayuu iska saaray.

Taliyihii CID-da ee Berbera oo lagu qabtay markii sadex markhaati ku fureen ayaa Taliyaha cidhiidhi lagu geliyay. waxaana amar lagu siiyay inuu kiiskan ku wareejiyo Taliye Ku Xigeenka Booliska Maxamed Shiil Dhidar. Waxaana Taliyaha Booliska lagu jujuubay inuu Taliyihii CID-da Berbera oo todobaad kiiskan isku dayga dil u xidhnaa la sii daayo”

Mudane Qabile wuxuu sheegay in uu Madaxweyne Rayaale dhaliilaha uu u jeediyo aanu joojin doonin, isla markaana uu Siyaasad ahaan ka reeyay ama ka badiyay Madaxweynaha.

Xg: Somaliland.Org

Filed Under: News

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.