Xukuumadda Rayaale oo Cadho iyo Cay Kaga Jawaabtay Boogo uu Damqay Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan
HARGEYSA- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna afhayeenka xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa si cadho leh uga jawaabay boogo siyaasadeed oo uu daqmay murrashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, kuwaas oo xukuumaddu si adag uga gubatay.
Warsaxaafadeed cadho badan ka muuqato oo wasiirku shalay ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kuna daba socday waraysi uu Isniintii toddobaadkan Dr. Maxamed-rashiid siiyey dhowaan wargeyska Haatuf, isla markaana ka buuxaan weedho qallafsan iyo cay qaawan oo ka baxsan milgaha siyaasiga iyo masraxa siyaasadda waxa uu u qornaa sidan:
“Wasiirka Warfaafinta ee Mudane Axmed Xaaji Daahir, ahna Afhayeenka xukuumadda, ayaa shalay soo saaray warsaxaafadeed uu kaga jawaab celinayo wareysi uu musharraxa u tartanaya jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID Maxamed-rashiid Sheekh Xasan siiyey wargeyska Haatuf cadadkiisii 2199 ee 17 November 2009, kaas oo uu ku sheegay in “Qurba-joogga iyo aqoonyahanada reer Awdal aanay aaminsanayn Somaliland oo iyagu maanta hoggaanka u hayaan.”
Waxa kaloo musharraxu ku xusay wareysigaas isagoo jooga Boorama in mar kasta oo Regime (talis) sii socdo ee uu kubadda dhinac ka eego dhacdo inay boob ku kacaan masuuliyiinta dawladdaasi.
Haddaba, haddaan ta hore ka jawaabo, waxaan leeyahay musharraxa ka soo jeeda Gobolka Awdal ee u tartamaya jagada Madaxweyne-xigeenka ee xisbiga UCID waxaannu leenahay “Xakamta nafsak” mar haddaad ku tilmaamtay meeshaad ka soo jeeday ee aad codkooda isku halleyneysay ee madaxweynahaaga UCID-na ku tashanayey aad ka dhigtay dad aan aaminsanayn qarannimada Somaliland, waxa kula gudboon inaad jagada u banneyso musharrax kale oo xisbigaaga u soo kordhin kara codbixiyeyaal, maadaama aad adigu xagaaga quus ka muujisay codbixiyeyaasha Gobolka Awdal, waayo waxa hore loo yidhi; “Ninkaan quusan naftiisa quus ah” oo aan uga jeedno sidaad hadalkaaga u dhigtay weliba adigoo ku sugan Boorama aad wareysi ku bixisay in horseedka reer Awdal gudo iyo dibeddba aanay aaminsanayn Somaliland, markaa waxaan kuu soo jeedinaynaa oo aannu talo kugu siinaynaa in aad iskaga quusato, kana hadho tartankaagii aad ugu taagneyd musharraxanimada jagada ku-xigeenka ee xisbiga UCID.
Geesta kale, haddaan wax ka yara iftiimino sida uu muujiyey amma ka muuqda wareysiga Maxamed-rashiid, horeba cod ugama dooneyn reer Awdal, waana la yaqaan cida uu u raxleynayo ee uu wax kaga doonayo oo waa hay’ado la yaqaan iyo kuwa kale kaga hor-jeeda midnimada iyo qarannimada Somaliland in ay taabbo-gasho, kuwaasoo uu shuraako kula yahay Maxamed-rashiid, iyagoo hadba Nairobi iyo meelo kale uga yeedhaan, waxaanan ku leeyahay Maxamadow ‘Waxaanad hureyn horaa loo yeela” ammase waxaad sheegtay waxa tilmaameysa maahmaahda tidhaa; ‘Wixii uurkaaga ku jira ayaa afku kaa xadaa.’
Ta kale dadweynaha reer Awdal ee wax kasta la wadaaga walaalahooda reer Somaliland, kheyr iyo sharba annaga ka xaalsiinayna gefka ka soo yeedhay Maxamed-rashiid, maadaama gobol kastoo Somaliland ka mid ah ay ka jiraan ‘Dhuuni-qaatayaal’ – la mid ah kooxda Maxamed-rashiid ee ku hawlan qalbi-jebin iyo marin-habaabinta shacbiga axraarta ah ee Somaliland iyagu hore uga tashaday aayahooda.
Qodobka kale ee uu wax boob iyo dhul iibinta uu soo hadal-qaaday musharraxu waa hadal aan qiil haysan, qof aqoonyahan sheegtayna looga wanaagsan inuu badka soo dhigo ceebeyn qaawan oo aannu wax dhaliila u hayn.
Haseyeeshee, waxan xasuusinayaa in qaranku soo dhaweynayo cid kastoo dalka maalgashaneysa, dhulna la siinayo amma laga iibinayo, taasoo uu jideynayo dastuurkeennu, inkastoo aanay ahaynba in adiga iyo xertaada aan aminsanayn Somaliland loo sheego waxa uu oggolyahay dastuurku iyo wax aannu oggoleyn.
Gebagebadii mar haddii xaal halkaa kaa taagan yahay Maxamadow waxaan si nasteexanimo ah kuu leeyahay “Tani kuu la’ ee ku kale ka dayo,” ayuu Wasiirka Warfaafintu ku soo afmeeray warsaxaafadeedkiisa cayda iyo cadhada badan xambaarsan.
Source: Jamhuuriya Online







