Shabakadaha Cadhaysan ee Qaarkood Awdal Laga Leeyahay ha Joojiyaan Been Abuurka ay ku wadaan Xukuumada Cusub

Shabakadaha cadhaysan ee qaarkood laga leeyahay Awdal ha joojiyeen dagaalka ay kula jiraan Madaxweynaha la doortay iyo Ku xigeenkiisa ee aan weli xilka la wareegin iyo beenta ay shacabka Somaliland ku khalkhalinayaan.
 
Illaa iyo intii muddo ahba waxa dad badan oo reer Somaliland ahi la yaabban yihiin wararka isdhaafka ah ee lagu soo qoro shabakadaha qaar ee badankooda laga leeyahay Awdal, kuwaasi oo ay qaarkood khalkhaliso ka qaadeen guushii doorashada ee Kulmiye ku guulaystay. Waxanay caadaysteen warar aan jirin in ay soo qoraan. Sida sheekadan mawduuceedu yahay:
Maxaa ka suuro gali kara dawlada Itoobiya oo soo faqday Dib u soo noolaynta xiidhiidhkii Ugaas Doodi iyo Dawlada Itoobiya dhex maray wakhtigii gumaysiga oo ahaa in gobolka ADAL lagu daro Itoobiya.
oo  July, 10keedii lagu soo daabacay shabakadda Saylac.com
 
Sidoo kale waxa maanta ku qorraa shabakado kale, war aan laga fiirsan oo u dagaallamaya dadkii lagaga itaalka roonaaday doorashadii. Iyaga oo ku andacoonaya in wasiirradii hore ee reer Awdal ay kaga kalsooni badnaayeen kuwa maanta la filayo in la magacaabo iyo amnigii Somalliland ayaa dunidu ka shikiday, oo xisbiga Kulmiye ayaa xidhiidh la leh xag jirka iwm.
Haddaba aniga oo arrimahaasi iyo kuwa la ollog ah ka duulaya ayaan qoraalkan ku faaqidaynaa, sida ay wax uga jiraan Awdal iyo guud ahaanba Somaliland. Waxanan ku soo qaadanaynaa arrimo badan oo isugu jira warar, faaqidaad, tusaale iyo kaftan.
 
Doorashadii
 
Doorashadii way dhammaatay, waana lagu kala baxay, waxana si fiican oo sharaf leh u soo gabagabeeyey Madaxweynaha taariikhda fiican ka tagey ee Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Ahmed Yaasiin. Waxana xukundoodii ay ku soo gunaanadeen dardaarankii uu Madaxweynuhu( Rayaale) la yeeshay wasiirradiisa,  ee uu kula dardaarmayey, kaasi oo ahaa mid taariikhiga,  usbuucan horraantiisiina ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa. Khilaaf iyo buuq dambe oo ay dalka kaga tegeyaanna  ma jiro. Haddii ay ammaanka dalka tahay iyo haddii ay is qab-qabsi kale tahayba.
 
Sidoo kale Madaxweynaha la doortay ee Ahmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Abbirahman Saylici, ayaa xilligan ku jira farxaddii iyo wada tashi ay la samaynayaan guud ahaanba shakhsiyaadka ay u arkaan in ay talo wax-ku-ool ah ku soo kordhinayaan. Middida daabkeedana iyaga ayaa haya. Hawlaha loo doortay ee dawladnimana iyaga ayaa taladeeda leh.
Haddii aan in yar dib ugu noqonno sidii ay uga qabsoontay Awdal, waxa aan shaki ku jirin in ay reer Awdal codkooda siiyeen UDUB. Sababta ay sidaasi u dhacdayna ay ahayd siyaal badan…..laakiin haddana ay aad ugu qanceen in xisbigii ay taageerayeen laga helay doorashadii. Iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa aan dhinaca kale ka arkaynaa in shakhsiyaad adeegsanaya saxaafadda oo dagaal kula jira madaxda xisbiga Kulmiye iyo shakhsiyaad aqoon yahanno ah intaba, lagana fadhiyi la’ yahay. Sidaasi daraaddeedna ay habboon tahay in la iftiimiyo khaladaadka ay samaynayaan, si looga digtoonaado.
 
Waxanan xog ogaal u nahay oo aan akhristayaasha shabakadaha u sheegaynaa in aanay warkasta rumaysan, oo aanay wararka qaarkood xasaasiyad ka qaadin. Sida qoraalka aan mawduuciisa korka ku soo qorray. Iyo maqaallo maanta ku soo baxay shabakadaha qaar oo Prof. Ismail Aare iyo shakhsiyaad kale oo la filayo in ay wasiirro ka noqdaan dawladda la dhisi doono oo dhammaantood ka soo jeeda Awdal. Laakiin waxa siyaasiyiintaa looga fadhiyaa in ay dalka ugu shaqeeyaan aqoontooda iyo waaya aragnimadooda, oo ay shaqo fiican dalka iyo dadka u qabtaan. Dhagahana ka furaystaan dacaayadaha uu dibad meerku ku soo qor qorayo shabakadaha.
Dhanka kele iyaguna innoogama baahna xag-xagasho iyo in loo diido guusha uu xisbigoodu gaadhay. Xogta hoosena ciddii ka shanqadhisa qabiilaysiga waxan u sheegeynaa in ay ku dambaynayaan sidaasi maannu moodayn.
 
Oday dhaqameedyada.
 
Waxa aan dawladda cusub u soo jeedinayaa in ay oday dhaqameedyada u furaan siminnaarro kor loogu soo qaadayo wacyigooda siyaasiga ah iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarka dalka, isla markaana lagu barayo dawladnimada iyo kaalinta looga baahan yahay, sida sharciga dalka iyo golayaasha sharci dajinta iyo fulinta intaba. Si ay u yaraato shanqadha badan ee laga seexan la’ yahay ee ay dhex wadaan madaxda dawladda ugu sarraysa. Taasi oo ay garasho la’aan iyo arrimo kale u sabab yihiin.
Sidoo kale waxa aan oday dhaqameedyada u sheegayaa in Odayga reerku uu oday u yahay dhammaanba wiilasha iyo gabdhaha reerka, ee aanu dad gaar ah oday u ahayn. Wiilka amma gabadha kursi doonka ahna ay u sheegaan in uu/ay arjigooda iyo CVgooda u gudbiyaan xafiiska ay shaqada ka rabaan. Laakiin aanay cummadda soo hor qaadan shakhsi gaar ah. Si uu tartanku u noqdo mid xalaal ah. Taratankana uu u soo baxo shakhsiga kartida iyo aqoonta lihi.
Haddii ay oday dhaqameedyadu u hadlayaan beeshana ay si guud oo ay dadkooda la soo tashadeen u wajahaan dawladda iyo hay’adaheeda ay khusayso. Laakiin ay ka fogaadaan wax shakhsi amma u danayn shakhsi.
 
Dawladda cusub.
 
Madaxweynaha la doortay iyo ku xigeenkiisana, waxa looga fadhiyaa in ay fuliyaan ballantii ay qaadeen. Taladoodana ay u madax bannaanaadaan, oo aanay cid u daba fadhiisan. Sidoo kale waxa looga baahan yahay dawlad tayo leh, oo taariikhda gasha. Dhagahana ka furaystaan dacaayadaha raqiiska ah ee aan loo baahnayn iyo beenta ku tiri ku teenta ah ee ay shabakadaha qaar faafinayaan.
Sharciga oo ay ku socdaan iyo hay’aadka sharciga ah oo ay wada shaqayntooda cid walba ka hor mariyaan ayaana looga baahan yahay.
 
A Goth

Filed Under: Opinion

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.