Maamulka UDUB ee Gobolka Awdal Buuxiyey Xafiisyada Dawladu Waa inay Dareeraan Sida ugu Dhakhsaha Badan

BAKI – Maamulkii Awdal ee ku shaqaynaayey musuqmaasuqa iyo ayaad taqaanaa waxay isku diyaarinayaan inay baneeyaan xafiisyada dawalada ee degmo kasta iyo tuulo kasta si sharaf leh.

Waxa ku faafay dalka dulmiga iyo tacadiga loo gaysanayo muwaadiniinta reer Somaliland iyagoo ay xarqiyeen wadanka shacab abaqaal ah oo laga keenay wadamada jaarka. Hadab dalka Somaliland laga bilaabo maanta waxa ka curatay dawlad la filayo inay noqoto mid shacabku ku neefsado kuna iloobo dhibaatadii dheerayd ee ay soo mareen ee uu dhaxalsiiyey maamulkii canaanta mudnaa ee ku dhaqmayey qaybi oo xukun iyo ayaad taqaanaa ma’ahayn maxaad taqaanaa.

Hadaba xarumaha Booliska, xafiisyada dawlada, agaasimayaasha beenta iyo boobka ku shaqaynaayey, basaasiinta, dabadhilifka dalalka shishiiye u joogay Somaliland waxa la siinayaa fursad ah inay ka baxaan xafiisyada dawlada iyagoo ah sidii ay ku hayeen mudadii dheerayd ee aan la iloobi karin. Hadii ay cadaato inay maqan tahay hanti qarani waxa meesha ka baxaysa xadaadarada xisbiga Kulmiye ku faanayo oo waxa lagu qaban beenmasheegayaasha gacan bir ah. Beenmasheege micnihiisu ma’aha nin run sheeg ah ee waa qof ku caan baxay basaasnimo iyo dabadhilifnimo.

Codadkii gobolka Awdal ee shacabka ugu dirada badan ee Maxadcase siiyey UDUB wuxuu xisbigu ku tilmaamay khalad dhacay oo aan loo noqon doonin. degmooyinka Baki, Lughaya, Saylac waxa dega beelaha mucaaridka ah hadana dhawr hogaamiye oo beelaha Maxamad Case ka socda ayaa ku guulaystay inay iibsadaan codkii shacabka isbadal doonka ah iyagoo isticmaalaya Kaadhadh lasoo samaystay oo baabuur lagu siday. Waxa taas lagu cadaynayaa shacab aan ahayn Maxamad Case oo degan degaanka ka baxsan Borame ma jiro oo UDUB sheegan karto hadana % 50 ayey codkii shacabka xadeen.

Udub oo ahayd xisbi ku xididaystay Awdal ayaa keenay in codkii ugu badnaa raaco UDUB iyagoo curyaamiyey shacabka tiradiisii kuna shubtay degaanada Awdal ka mid oo aan lagu maqal inay taageeraan UDUB: Sida Baki, Saylac, Lughaya – ma joogo hal shaqsi oo odhan kara waxaan ahayn xisbiga UDUB oo waxaan matalaa beelaha aan ahayn Maxamad Case.

Doorasho intaa kuma dhamaan waxa hadhay wakhti faro badan oo lagu kala bixi doono cadaalad iyo sinaan ee aan lagu kala bixi doonin imisa Kaadh ayaad ka xaday maamulka doorashooyinka adigoo isticmaalaya shaadhka dawladnimo.

Hadana waa laga guulaystay UDUB oo waxa meesha ka raacday jab iyo hoog waana la’la xisaabtami hadii ay cadaato inay jabiyeen xeerarka dalka.

Hadaba maamulka UDUB ee buuxiyey xafiisyada dawladu waa in ay isku diyaariyaan sidii ay u banayn lahaa yeen xafiisyada iyagoo ku dhaqamaya sida sharciga waafaqsan. Dalka dhibaato badan ayey u gaysteen ee ayeyna mar danbe khaldamin. Hadii kale si sharciga waafaqsan ayaa loo xisaabin. Dambigooda imika waxa daboolaya xukuumadii UDUB ayaa ahayd mid magaceedu u taagan yahay “U’siyaadi Dulmiga Umada Baahan=UDUB” Umada u baahan dawlad gacan qabata ayaa dhibaato aan dhamaan la’la dabo joogay.

Maxamud Jamac

Baki, Awdal – Somaliland

Filed Under: Opinion

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.