Xukumadii Somaliland ee Ahayd “Invisible-ka” Wax aan Muuqan – Ayaa reer Awdal/Selel Maanta u Muuqata

Durba xukuumad shacabka u muuqata iyo shacab xukuumada u muuqda ilaahay ma’ina tusay reer Awdalooow! Jeebabka iyo Guryaha ay dhistaan ayuunbaa xukuumadii hore muuqday-waxqabad ma jirin; wakhti kol ay ku tahay

GEB – Xukuumadii Somaliland ee shacabka ka baxsan degaanada Hargeysa ugu muuqatay wax aan muuqan ayaa u muuqata shacabka reer Awdal/Selel oo in badan iska indho tireen xukuumadii ugu danbaysay ee dalka mudada dheer soo haystay.

Halkaas oo ay shacabka dhaxalsiisay shiki iyo aamin daro ku wajahan dawlad aan shacabka u muuqan iyo shacabkan dhibaatada badani haysato. waxay shacabka Awdal/Selel maanta u muuqdaan kuwo wasiiradooda arin la gorfayn kara; kuwo waxay tabanayaan gaadhsiin kara dawlada dhexe, waxay durba xukuumadu tustay in Awdal/Selel ay Somaliland ku jirto ee anay ahayn meel wado qorfo ahi tegto oo aan la gaadhi karin.

Dahir Rayale iyo wasiiradiisu waxay ka noqon jireen cidhifka gobolka Waqooyi galbeed. Waxay ka baqi jireen inay shacabka soo horfadhiistaan.

Farxada ka muuqatada wajida shacabkii iyo waxgaradkii iyo ardaydii kasoo qayb galay furitaanka Geb ayaa markhaati ka ah in xukuumadii Rayale ee shalay isku dayday inay horistaagto furitaanka Jaamacada EELO ay meesha ka maqan tahay maanta oo shacabka waa cusubi u baryey.

Xukuumadii ahayd mid aan la arag oo aan la maqal waxay noqotay mid dad caadi ahi ay matalayaan sida Ismacil Aar iyo Cali Xamud Jibril, iyo Samsam Cabdi Adan.

Hadaba bulshada Awdal/Selel waxay si wayn ugu faraxsan yihiin guulahan soo hoyday waxayna ilaahay ka baryayaan in shacabka ilaahay sidaa ugu wado oo dhibaatooyinka yaryar ee hadhay ilaahay ka dul qaado – sida jid xumada oo jidka la gaadhsiiyo dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka degaanka galbeed – laga bilaabo Caada – Dilla – ilaa BuloCado – Ilaa Saylac iyo Loyacado.

Cunaqataynta dhaqaale ee umada la’la tiigsaday oo durba khafiiftay iyo sida ugu dhakhso badan ilaalada bay’ada dawlada cusubi ku darsato ajendaha oo la joojiyo xaalufinta maraakiibtii u shaqayn jiray xukuumadii dhacday haday jiraan wali.

GEB, Selel

Filed Under: News

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.