FALAL BUDHCAD-BADEEDNIMO OO KA DHACAY XEEBAHA SAYLAC IYO LUGHAYA MUDADII SNM JOOGTAY
Badhtamihii sanadihii 1991 ilaa iyo dhamaadkii 1995 waxa maamulka xeebaha iyo dekadaha Saylac iyo Lughaya gacanta ku hayay jabhadii la odhan jirey SNM kuwaas oo meesha ku sugayaay ilaa inta laga qaramaynayo iyadoo dhan kalena, ay is barbar socdeen dagaalo beeleedyo iyo qabanqaabada shirweynihii beelaha somaliland ee lagu qaban jirey magaalo madaxda Boorame .Mudadaas waxa si ku meelgaadha maamuulka xeebaha saylac iyo lughaya gacanta ay u gashay kooxo ka tirsanaa jabhada snm oo la odhan jirey (99 aad , sayid xamse , ina kood buur iyo 4aad iyo iyo 5aad),Waxayna qaadi jireen cashuurta beriga iyo badaba.
Hadaba iyadoo taasi jirto ayay waxa muran iyo istuurtuur kadhacay xadka u dhexeeya jabuuti iyo somaliland kaas oo markii dambe gaadhay heer laba wadan xuduudoda kala xidhaan mudo. xuduudaa la xidhay waxay keentay in jabhadii meesha joogtay waydo ilihii dhaqaalaha e ka iman jirey xaga bariga ee wadanka jabuuti. Waxana xidhiidhka labada dal sii xumaaday markii ay jabhadii ciise ee USF ay gabaad ka dhigataya magalada DAMERJOOG iyada oo weeraro kaga soo qaadi jirtey halkaas jabhadii kale meesha joogay xagan somliland. dhan kale, qaban qaabadii shirarkii soomaalida ee jabuuti qaban jirtey iyada oo iska indho tireysa jiriytaanka somaliland . Inkasta oo ku jirey damac budhcaded badeednimo jabhadihii snm ee joogay saylac iyo lughaya hadana sanadihii hore waxa ku adkay jabhada dabaasha badda,doonyo fuulka iyo farsamad badda loogu noolyahay. qaar ka mid ah waxay xabado ku ridi jireen kaluunka xaga kuwo kalena aan lugtoodaaba badda galin karin cabsi darteed. muddo markii ay joogto waxay jabhadii baratey badda iyo khaaraadkeeda , waxaanay cashuuro ku soo rogeen kaluuumaysatadii laashashka yaryar ee jabuuti ka iman jirtey iyo kuwii carabta ee yemen .Intaas kuma aanay joogine waxaa la bilaabay in la istaago marinka biyaha caalamiga oo laga soo afduubto maraakiib iyo doonyo xamuul u sida jabuuti iyo yemen . waxan xasuustaa markii ay soo dhaceen budhcadas doon soomaaliyeed oo laga lahaa boosaabo taas oo siday beeyo iyo foox cadcad magalada jabuuti .waxa kale oo jirtey in budhcadaas soo dhacday doonyo faro badan oo yemen laga leyahay iyo jabuuti . budhcad badeedkii ugu weynaa waxa uu ahaa nin la odhan jirey MUUSE BIDAAR(CAPTAIN JACK SPARROW) oo ka tirsanaa ururkaa budhcada ahaa ee 99 oo caado ka dhigtay ba badda in uu stop dhigto .
Laakiin midii ugu weyneyd waxay dhacday markii ay jabhadaasi heshay doon lacago faro badan oo kala duwan lagu sido halkaasna ay ku soo dhaceen lacag aan hada qiyaasteedii la hayn oo ay markii dambe ka iibsadeen baabuurta loo yaqaan ZY iyo beero iyo guryo ku yaal magaalada GABILEY. Hadaba maxaa prof. abdi lagu haystaa mar hadii uu iftiimiyaya hawlaha budhcadeeda iyo dadkii bilaabay marka la heli karo dad goobjoog u ahaa falalkaas iyo duunyadii laga iibsaday budhcadeednimadaas labadaba ..
yassin m geelle
zwolle , nederland
Filed Under: Faalo




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















