Shirkii Beelaha Samaron oo ka Dhacay Holland

Shirweyne aad loo agaasimay oo ay isku yimaadeen beelaha samaroon maalintii sabtidii ee bishan August 7, 2010 ka dhacay magaalada DEN HAAG ee carligan Holland ayaa  beeshu ku  lafo gurtey qodobo dhawr ah  .Qodobadas oo aad u badnaa  aadna muhiim u aha ayaa markii dambe beeshu isku raacday 

taageerada shirarkii  TOLKA  ee CANADA IYO shirkii ARDAA  ee london, iyo balaadhinta , taageerada  iyo ka qaybgalka shirarkaas.
Waxaa kale oo ka  qaybgalayaashu isku raaceen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen,ka qaybgalka horumarinta gobolada iyo degaanada kala duwan ee beeeshu degto.in la joogteeyo kulan ka beesha oo bishii ama sanadkii mar la qabto iyo in guddi la magaacaabo ka shaqaysa isku xidhnaanta iyo waxwada qabsiga beesha oo mudadan ay naafeeyeen arimo siyaasadeed oo ka socday wadanka gudihiisa .

gebogebadii waxa la doortay guddi ku meel gaar ah iyadoo la gu balamay in shirkan kiisa xiga la qaban doono  ramadaan ka dib. Halkaas oo lagu dhisi doono xubno firfircoon  oo u  hawlgali doona mideynta  muruqa  iyo maskaxda beesha oo aan muddo shirar iskugu iman, ay kaga tashanayso ama ka hadlayso arimaheeda gaarka ah .
waayo taariikh ahaan , shir samaroon u dhan yahay waxa ugu dambaysay sanadihii 1988 shirkii  QULJEED oo lagaa hadlay nabadgelyada gobolka iyo difaaca dhulka hooyo marka laga reebo shirar kala goongooni ah oo jufooyinku qabsadaan .

yaasin m geelle
zwolle , holland

Filed Under: News

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.