Badhasaabka Gobolka Awdal oo u weheliyo taliyaha saldhiga dhexe ee Booliska ayaa beeniyey xidhiga weriye Haashim Gooda oo ay baahiyeen shabakadaha Awdal qaarkood

Posted in August 16th, 2010 by saylici in News

badhasabka-wariye-haashim-iyo-taliyaha-booliska.jpg
Waa War Aan Waxba Ka Jirin Waxana Faafinaya Shabakado(Saylac.com) Aan-dan Ka Lahayn Bulshada Iyo Sumacadda Suxufiga……….”Wariye Haashim Sh. Cumar Good  

Boorama-(saylici)-Badhsaabka gobolka Awdal Mud. Maxamed Daahir Cabdale oo uu weheliyo taliyaha saldhiga dhexe ee Booliska ee Magaalada Boorama Taliye Maxamuud Yuusuf Xuseen “Raran” ayaa maanta si kulul u beeneeyay warar aymaalmahii ina dhaafay qoreen qaar ka mid ah shabakadaha ka hawlgala gobolka Awdal kuwaasi oo baahiyay in ay ciidamada Boolisku jeelka u taxaabeen wariye Haashim Sh. Cumar Good oo gobolka Awdal uga soo warama shabakad laga leeyahay gobolka oo magaceeda la yidhaa Awdal Press.

badhsaabka-awdal-iyo-taliyaha-saldhiga.JPG

Badhsaabka oo waqtigaasi ku sugnaa gudaha saldhiga dhexe ee booliska ee magaalada Boorama ayaa waxa uu yidhi “ Waxa la yidhi waxa la xidhay wariye Haashim, wararkaasina ma aha kuwo ay wax ka jiraan, waxa buunbuuniyay cid dano gaar ah leh, waan ognahay qiimaha uu suxufigu leeyahay maamulkayaguna si wayn ayuu u xushmeeyaa suxufiga iyo xoriyatul qawlka. Waan la hadlay wariye haashim waxana uu ii sheegay inaanay jirin wax xadhig ah oo loo gaystay.

badhasaab-maxamed-daahir-cabdale.JPG

Badhsaabku waxa uu digniin kulul u jeediyay wariyayaasha ka hawl gala gobolka ee u shaqeeya illaha  saxaafada eek ala duwan waxana uu yidhi “ waxa aan uga digaynaa inay faafiyaan warar aan sal iyo raad lahayn oo isku dhac abuuri kara, ma kala qaadqaadayo dhamaantoodna waxaan la socodsiinaynaa inay dhawrsani muujiyaan isla markaana ogaadaan inuu waajib ka saran yahay ilaalinta maslaxadda bulshada.

taliye-maxmuud-yuusuf-xuseen-raran.JPG

Sidoo kale ayaa taliyaha saldhiga dhexe ee Booliska ee Magaalada Boorama Taliye Maxamuud Yuusuf Xuseen oo lagu naanayso Raran uu beeniyay inay ciidamadiisu fuliyeen hawlagalo xabsiga loogu taxaabayo wariye Haashim Sh. Cumar Good waxana uu isaga oo arimahaas ka hadlaya yidhi “ Badhsaabka gobolka ayaa arintan I waydiiyay wxana aan u xaqiijiyay inaanay jirin… waa hubaal oo maanta ayaan Wariye Haashim wada joognay suuqa Boorama waxana uu ahaa mid xor ah oo aan la xidhin, waxa la faafiyay warar aan raad lahayn oo xad gudub ku ah ciidamada Booliska iyo maamulka gobolka, waxana aan halkan ka xaqiijinayaa inaanay jirin waxa xadhig ah oo loo gaystay wariye Haashim iyo suxufiyiin kalaba.

Dhinaca kale waxa u suurto gashay shabakada wararka ee Lughayanews inay khadka taleefanka kula xidhiidho wariye Haashim Sh. Cumar Good oo ku sugan magaalada Boorama isla markaana ay waydiiso inuu u xaqiijiyo wararka sheegaya in la xidhay iyo in kale waxana uu yidhi “ Wararkaasi waxba kama jiraan waxa aan ahay xor ma jirto in ciidan la ii soo diray oo la isku dayay in la ixidho wararkaasina waa kuwo la mala awaalay oo aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale mar ay shabakadu wax ka waydiisay inuu ogyahay wararka ay qortay shabakada SAYLAC.COM eela xidhiidha xadhigiisa ayaa waxa uu yidhi wariye Haashim “ Waan maqlay ma aqaan meel ay ka keeneen waa warar aan laga fiirsan waxa ay baal marsan yihiin anshaxa saxaafada… kolay waxa wararkan qoray waa cid aan umada iyo sumacada suxufiga dan ka lahayn isla markaana jecel inay wax buunbuuniso”.

Si kaslaba ha ahaatee xadhigan wariye Haashim iyo maamulka gobolkuba ay ku gacan saydheen ayaa waxa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo warar ay dhawaan jariidada Haatuf dhawaan daabacday oo sheegayay in xafladii furitaanka dugsigii sare ee GAB.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi

Filed Under: News

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.