Category: Faalo

Rays Hotel oo Lagu Eedeyey Inuu Cuntada Tayadeeda Hoos u Dhigo Markuu Mucaaridka u Shaqaynayo

BORAMA – Labada Mulkiile ee Hotel Rays Idiris Maxamud Sacad Cunaye iyo Dahir Rayale ayaa wararku sheegayaan in mudo dhawr sanadood ahba si toos ah ay cuntada shacabku ka cunayo dhawr qaybood loo kala saari jiray. Cunto laga iibiyo shaqsiyaadka ay isku mawqif ka aaminsanayeen siyaasada Dahir Rayale ee beesha Makaahiil oo dhawr qof ku jooga [...]

Hanbalyada Suldanka Beesha Makaahiil – Suldan Cabdirashid Rooble Doodi Siduu Ku Hantay Jagadan iyo Duruufaha Hadheeyey

Mudo ilaa sadex bilood ah waxa ka dhex aloosnaa beelaha Gadabuursi ee degan S/land, Kililka shanaad ee Ethiopia iyo Jamhuuriyada Jabuuti muran ku saabsan soo noqoshada Ugaaska Samaroon oo saaxada ka maqnaa mudo aad iyo aad u dheer.

Nabsigii Bahabar Muse Ayaa Na-haya, Hadaan Nahay Jufada Rayale; Maantana Iyagaan Miciin ka Haynaa

Nabsigaan nimanka Bahabar Muuse an ka galnay ayaa na haya, haddaan nahay Makaahiil, maantana iyagaan miciinba ka haynaa, Suld. Saleebaan iyo Wabarna dhabarjebin waxan ahayn kuma qabno, arrintana daacad kama aha Cabdirashiid baase noo jabinaya… Oday Gorod Badhasaabka gobolka Awdal Mud. Axmad Xaddi Sidci ayaa dhawaan ku dhawaaqay inu heshiiskii ay wada galeen beelaha Gadabuursi [...]

Qiimaynta Socdaalkii Cabdirashiid Doodi Lagu Geeyay xeebaha Awdal , Cidii ka Faaiiday iyo Xidhiidhka Awdalstate ee Safarkaas

Hawlkasta oo la qabtaa waxay leedahay ujeedo  iyo dan lagu gaadho taas oo uu qofku marka uu dhamaystiro shaqadaas uu sameeyo qiimayn (evaluation) si uu u saxo wixii  khaldamay , wixii uu ka tagay iyo waliba waxa uu ku kordhin karo  Hadaba markaynu qiimayno safarkii Cabdirashiid ugaas doon , maxaa faaiido uga soo korodhay dadkii [...]

Waa Maxay Sobobaha Loo Diiday Hogaanka Dhaqanka Beesha Makahiil

Waa Maxay Soboboha loo diiday hogaanka dhaqanka reer Awdal ay yeelan lahaayeen? Wakhtigii kaligii taliyihii Dahir Rayale uu wadanka ka talinayey talaabo kasta oo ay qaadayaan gudida Ugaasdoonku waxay ka amar qaadan jireen hogaanka siyaasada ee Dahir madaxa ka ahaa.

Somaliland Waa 5 Gobol: Awdal, W/Galbeed, Togdheer, Sool, Iyo Sanaag

HARGEYSA – Somaliland maamulkeeda iyo shacabka ayaa waxa ku dhexjiray khilaaf aan wali xal loo helin. Shacab yar oo dano gaar ah ku fushada jiritaanka Somaliland ayaa waxay dalka ku wadaan meel uusan kasoo noqon karin. Xuduudaha gobolada iyo degmooyinka waxa la badalaa marka tirada shacabku korodho-waana xeerka u yaala “Urban Planning-ka” ama xeerka dhismaha degaanka. Badalaada [...]

Burburka ASARDA, Wajigabaxa Ugaasdoon, Ceebta Hyene, iyo Abaaraha Xeebta Boqortooyada Adal

Arintan Adal ku habsatay waa Maraykanka oo shacabka reer Mexico ee soo qaxay ku yidhaahda la wareega horumarka iyo hogaanka siyaasada dalka! Burburka ASARDA waxa sobobay hogaanxumada siyaasiyiinta u ololeeya kolba xiisada cusub ee laga dhex abuuro reer ADAL (Awdal, Selel, Gebilay). Dhismaha wadada ugu hantigurka badnayd ee ugu maamul xumayd ee soo marta taariikhda reer [...]

Madaxweyne Geelle oo eryay wasiirkiisii Waxbarashada Qaranka,maxey tahay sababtu?

Waxa maanta xilkii laga qaaday Dr. Xasan Cali Cadaawe oo  ahWasiirka waxbarashada Qaranka & tababarka Shaqooyinka ee Jamhuuriyada Jabuuti, ka dib markii uu ku guryo noqdey dalkii hooyo oo uu safar dhawr todobaad qaatay uu ku tegay dalal reer Yuruba iyo Canada.

Khilaaf Dibadda u soo Baxay oo ka Dhex Oogan Badhasaabka Gobolka iyo Maayirka Gabiley

Khilaaf dibadda u soo baxay ayaa toddobaadkii u dambeeyey ka dhex oognaa Badhasaabka Gobolka Md. Cali Nuur Meecaad iyo Maayarka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Geydh, kadib markii laba masuul isku maan-dhaafeen qorshe lagu doonaayey in lagu kala wareejiyo Jaamacadda Gabiley iyo dugsiga sare ee Qalax oo isku meel ku yaal.

Lughaya News oo Heshay Heshiis 1957kii lagu Diiday In Gadabuursi Ugaas Doorto

Oslo (Lug)- Shabakaddan wararka ee Lughaya News ayaa heshay xog muhiim ah oo ku saabsan heshiis uu maamulkii Ingriisku ansixiyay sannadkii 1957 kii oo dhigayay inaan loo baahnayn in wadahadallo dheeraad ah laga gelo ugaas u samaynta beelaha Samaroon, islamarkaana ay arrintaasi sidaa ku xidhantay maadaama aan la isku raacsanayn.

Suldan Cabdiraxman Jamac Dhawal – Great Leader! Hanbalyo Go’aankii Dhaxalgalkii ee Dib u Eegida Hogaanka Dhaqanka ADAL ee Shirka Xeego Kasoo Baxay

XEEGO – Hadii aan dib u eegno go’aankii shirka Xeego ee ku waajahnaa hogaan dhaqan oo wada hadal ku yimaada oo beelaha ADAL ay wada yeeshaan wuxuu noqday go’aankii ugu muhiimsanaa ee khuseeya beelaha aan HabarCafaan ahayn kasoo khuseeyey guud ahaan beelwaynta ADAL (Awdal, Selel, West Gebilay).

Ilmo Rayale ka Quuso, Siyaasiga u Qosol, Midnimo Micno ku Fadhida iyo Aqoon ku Tasho

  Ilmo Rayaale ka Quusta:

Mr. Cabdirashid Rooble Doodi oo Usoo Anbabaxay Canada – Tageerayaashiisana ku Booriyey in la Joojiyo Xagxagashada Aqoonyahanka

JIGJIGA – War naga soo gaadhay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Mr. Cabdirashid Rooble uu usoo jeed dhinaca dalka Canada kadib markii faraha loo galiyey arimo uu shaqsiyan isagu dan ka lahayn oo usoo jiiday isjiidjiidasho uuna marnaba diyaar u ahayn. Cabdirashid oo ah shaqsi bulshada qurbaha sharaf wayn ku dhex leh oo [...]

Fox News vs Jon Stewart: Are You an Activist or “Journalist” Blogger and What is Your Primary Motivation Force? Waa Maxay Qadiyada ugu Muhiimsan ee Xaq-u-Dirirnimadaada Dhaqaajisaa?

Jon Stewart oo ah dadka ka qosliye Maraykan ah ayaa waxa waraysi ka qaaday wakaalada wararka ee Fox News oo ah wakaalada garabka midigta dalkan Maraykanka u ololaysa (Conservative party advocancy news organization). Waraysiga waxa la is dhaafsaday su’aalo iyo jawaabo cilmi iyo fikrado qoto dheer ku salaysan. Ma ka waawayn (comedian) ayaa horta tahay mise [...]

Caaqil Tukaale Riiraash oo Qudbadii ugu Xiiso Badnayd ka Jeediyey Shirkii Barakaale ee Beelaha Habar Cafaan, Samaron

Wadhaf News, July 26, 2011: Shirkii Barakaale la baxay ee Beesha Habar Cafaan dhawaan ku yeelatay magalada Xeego ee degmada Baki waxaa xafladiisii xidhitaanka lagu casumay beelaha Somaliland degga oo soo dirsaday madax-dhaqameedkoodii.

Dani Ma Ugu Jirtaa Furitaanka Xisbiyo Badan Gobolada reer Adal (Awdal, Selel, iyo West Gebilay)

Waxaan shaki ku jirin goaankan adag ee ay  ku dhawaaqday gudidii loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan  suurtogalnimada furashada xisbiyo siyaasadeed inay naxdin iyo welwel ku abuurto xisbiyo siyaasadeed oo maanta jira, qabiilo iyo degaano kala duwan oo ku yaal jamhuuriyada Somaliland. Waxaynu markiiba maqalay afkaarta kala duwen ee ka soo yeedhaysa xisbiyadii jirey [...]

SOMALILAND: TODDOBA BILOOD IYO TODOBAATAN WAX-QABAD

”Dawladdan maaha tii hadalka  ee waa tii waxqabadka iyo horumarka , runtaan idiin sheegayaaye” ama si kale hadii loo dhigaba noqonaysa ”Hadal Yar iyo Hawl Badan” ereyadan waxay ka soo yeedheen Md kuxigeenka jamhuuriyadda somaliland Mr. Abdiraxmaan (Saylici) mar uu macno guud ka bixinayay dawladda ay soo dhiseen noca ay tahay, 

Weriye Jirde iyo Jaabir oo Lagu Eedeeyey Inay Abuurayaan Xiisadii 1984 Isku Dhufatay Beelaha Galbeedka Somaliland

“Ujeedada Awdalland ma’aha dad iyo dal jacayl ee waa dhoolotus iyo tabid ay tabeen xukuumadii ay ku noolaayeen ee ayaan lagu dhex milmin idinku daacad ayaad tihiine nimankani waa khaa’iyimiin - waa magac qabiil u dagaalan ay soo bilaabeen odayadii dhabadaha sitay ee tuulooyinka ku shirayey” Cabdi Jamac Labada Weriye Dahir Jirde iyo Jaabir Cumar oo [...]

Waayo Maxamed Jamac Abgaal Sagaaro iyo Shabakada Haqayonews?

Oday dhaqameed sharaf mudan oo inta la casuumo hadana la caayo iyo madaxwayne ku xigeenka lagu xoqdaa ma keenayo midnimada beesha Dahir Rayale ee labada suldaan iyo labada xoghaye yeelatay ee taas niyada ku haya – qalin iyo sharcina waa wixii ilaahay inoo kala gooyo ee waxba ha’iskula hadhina! SayliciPress oo aan wax aqoon ah u lahayn shakhsiga [...]

Maxaa Dadka Reer Awdal ka Hortaagan ka Ganacsiga Khayraadka Badda

Inkasta oo aanay soomaaliduba  ku fiicnayn  gurashada  khayraadka badda iyo waxsoosaarka  ayaa kuwa ugu sii daran  ay yihiin dadyowga degan goboladan Awdal iyo Salal. Dadyowgan oo haysta xeebo aad u dhaadheer , dekado iyo bad ay ka buuxaan noockasta oo kaluun ah ayaan gabi ahaanba xeebahan ka madhan yihiin dhaqaaq ganacsi, doonyo iyo maaraakiib ay [...]