Rayale oo Shaqada ka Eryey Laba ka Mid ah Faaliyayaashiisa iyo Nin Sixiroole ah
Madaxweyne Rayaale ayaa xalay saqbadhii ka eryey shaqada laba ka mid ah faaliyayaashiisa iyo nin sixiroolayaashiisa ka mid ahaa kadib markii uu ku canaantay wax uu ugu yeeshay karti la’aan iyo inay Dhawr jeer oo hore si khaldan wax ugu sheegeen. Nimankan oo ahaa khubaro la sheegay inay ku xeeldheeraayeen Aqooonta xidigiska iyo saadaasha waxyaaba soo wajahan, ayaa ka hor shirweynihii garabka Madaxweyne Rayaale ee Udub uu isagu yeedhay madaxweynuhu kuna wargeliyey inay shaqada labanlaabaan oo ay shaqeeyaan wakhti dheeraad ah.



