Maqal Maansadii Digniin - By Dhamac
salamu caleyku waxan salan iyo bogadin u soo jeedinaya howl wadeenada shabada
iyo dad weynaha sharafle intaa kadib waxan rabaa in aan wax yar fikradayda ka dhiibto
xafladihii dhacay todobaadkii hore ee ku saabsanaa haweenka iyo malinta dumarka ee calamka
xuquuqda haweenka ee reer galbeedka laga soo dhoofiyano maxaytahay maxayse ku
salaysantahay marka hore ma is waydiiseen dadweynow ayaa sameeyay
maxaase loo sameeyay maxayse xambaarsantahay ayaase loola
danleeyahay hadaan ka gudbo hordhacaa yaree suaalaha ah horta ma ogtihiin
dadkan reer galbeedka in ayna lahayn wax layidhaado qoys dhisan
sida duniyad muslimka ah ma ogtihiin in hooyada reer galbeedka
ahi gabadheedu iyo wiilkeedu ay ka tagaan marka ay gaadhaan
18 oo markaa hooyada iyo aabuhu ay ku noladaan guri cidlo ah
wehela ay ka dhigtaan bisadaha iyo ayda marka ay labad waalid
weynaadana waxaa lageeyaa guriga lagu xanaaneeyo dadka waa weyn
sidaasi markii ay dhacday waxay samaysteen sanadkii maalin
la booqdo hooyada waxayna ka dhigeen 8 bisha march hadaba
haweenka muslimka ihi iyo kuwa somalidu wali ma iswaydiyeen
hooyadu sidaa miyay u qalantaa dhaqankeena iyo diituna sidaa
miyay ka yeeshaa dumarka hadii aan fiirino xaga diint muslimka
waxaa jira suuradu quraanka ilaahay ka mida oo loo bixiyay
magaca dumarka sida(suuratu nisaa) iyo suurado kale oo loo bixixay
amba kuba soo degtay qisooyin kawaramaya haweenay wanaagsan
sida (suurada maryam)wixii kale dinta ku sabsan culamada
ayaan uga tagi hadaba hooyada somaliyeed amba muslimkahi
qiima intee leeg ayay ku dhexleedahay bulshada dhexdeda aan u imaado
hooyadu amba gabadhu heerar kala duwan ayay soo martaa sida
mar waa gabadh yar oo la nool aabeheed iyo hooyadeed marka ay
gabadhu qaangaadho iyadoo sifican loo soo agaasimay taasooy
sharafi ku dheehantahay ayay guur gashaa ninbana la wareega masuuliyada
halkaana waxaa ka abuurma qoys qiimo badan.kadibna iyada ayaa noqota
hooyo. markaa dhaqankeenu amba diintu marnaba haweenka meel
cidla ah may dhigin gabadhu waxay u dhaxaysaa dad badan
mar waa hooyo marna waa habaryar marna waa edo,casabo iyo
qaraabo waxa kale oon odhan karnaa haweenku waa kaabada
xidhiidhisa bulshada.waxay xidhidhisaa labo qoys,laba jilib
laba qabiil, labo qaran iyo labo wadan sidaa daraadeed haweenku udub dhexaadka
umada weeyi hadii ay xumaato hooyadu amba gabadhu waxaa xumanaya
umada sidaa daraaded reer galbeedku waxay ku guulaysteen
waxkasta oo umada muslimkahi leedahay marka laga reebo qoyska
oo asaas u ah umada sidaa awgeed hada waxaa buuqa iyo
qaylada loo wadaa waa in xuquuqda dumarku ay leeyihiin la
dhuufsado badana waxay kugu beerlaxawsadaan haweenka
waa lagu dulmay waa lagu dilay iyo ereyo beenah hadaba haweenku
wali ma is waydiisay horta waxan ay wadaan ma raxariis ay
kuu qabaan ayay sida u falayaa mise dano u gaara ayay rabaan
jawaabtu waa maya kunjeer maya
waxala rabaa in lagaa qaado xushmada xishodka xaqaaga oo lagu
duleeyo oo lagaa dhigo silcad suuqa taala oo kii soo maraba
qaato haweenka aqliga u saxiibka ah bal waxaad is barbar dhigtaan
adoo sharafle oo xishoodka huwan oo daadihinaaya abudkaga
iyo xaajiga una dhexeeya dadkii aan soo sheegnay umaduna ay
kugu soo hiranayso dhinaca kale waxaa ka soo horjeeda balhada fiiri waa sida
lagula rabee bilaa xishood bilaa xayo,suuqa waraagto
dadka oon ku qadarin isticmaalka maandooriyiyasha waxa kasta
oo xun ayaad hooy unoqon waxa kale oo ay rabaan in ay ku
ciyaran sumcadada iyo diintaada ayna kaa dhigan sida ay jecelyihiin
waxaa iga talo ah oon usoo jeedinaya hooyooyinka iyo gabdhaha
buriya damaca shisheeye,diida danihiisa fahma shirqoolada
la inii soo maleegayo garta danihiina iska ilaaliya in aad gashaan dabinaka
la idinla rabo ka digtoonada wararka beenta ah
waxan raacin taxdan gabayga ah ku soo dhawaada
digniin
waxa loo durmaantumi damaca gaalaade
digdigtaa dhacaysana dadbaa loo danleeyahay
da,ayar ha u badnantee dadbaa loo danleeyahay
duulankan baahsani dumar kaxeel dheere
dastuurkii ilaahbay dacar ku sheegeene
doofarka imankaa watee dumini diinteena
nimankaa danaystaha watee kii dibjira qaata
nimankaa dadkeenii madhshee digo kayeelaya
nimankaa diciifnimo rabee diiday nabadeena
nimankaa nin doorkii dilee doqon ku sheegaaya
nimankaa duruuf xumo nabaday doobi aan cuganin
nimankaa dariiqada siloon deeq ku bixinaaya
nimankaa danbiilaha watee darajo siinaayaa
nimankaa dagaal qaadayee dunida miidhaaya
nimankaa dilaaliin dirsaday diiday aan odhanin
waa idiin digaayaa dadyahow dunidan joogaaye
dugaaguba wuxuu dabarjaraa xoola daayacane
dabacsanida inagaaleh iyo daba dhaslaytaaye
dabadhoon ayaanahay doorasha lahayne
daldaloolka inagaa faliyo dabacsanaantaaye
waa idiin digaayaa dadyahow dunidan joogaaye
dil dilaaca waaa lagu dumaa daayin abidkeede
wanaagoo la dayrshana waa lagu dayoobaaye
isku duubniyaad dadyahow lagu dadalaaye
dibindaabyadaa ay wadaan daqar xun weeyaane
digtoonaada dumarow yaan layni duufsanine
dibinkaa ninka galaa dabargo weeyaane
digtoonaada dumarow yaan layni duufsanine
dan shisheeye iyo damaca beeneeya
maxamuud cabdi jaamac (dhamac)
maxamuud546@hotmail.com
CAIRO



