Shabakadaha Ugu Caansan Ee Awdal/Selel Wax Maka Taqanaa?
Marka Hore Waxa salab qaali ah u dirayaaa Tafatiraha iyo Mamulaha Labada shabakadood Ee Hiildan.com Iyo Allboon.com Dadka Ka Saaray dadkii ku xirnaa Qasnada Ee Cidii La doono lasoo hadal qaadi jiray Ciidi doontana haan cidnaba hadal qaadi jirin hadana labadaasi shabakadadood waxay noo noqdeen Meel Fikradaha lagu dhiibto meelaha igu caaansan dadka af somaliga ku hadla,run ahaantii Waxa laga xoroobay mashii Koontada loo xiran jiray walibana hadh iyo habeen waxa u tagan yihiin tagerada shacabka aan warkooda lasoo baahin jirin, Run ahaantii aad ayaan ula dhacsan nahay sida qiimaha iyo sharafta leh Ee uu Mumulaha uu Wakhtigiisa qaaliga u siiyo in uu Dadka ka Haqabtiro Wixii Ay u Baahnaayeeen
shabakadaha Qaarkood ayaa dadka intay indho iska tiraan waxay samayeen ayay amaan u tiriyeen, Iyaka Oo Laftirkoodu Shatiga la huwan,Ama ku tagersan been abuurka iyo mala awaalkooda,Oo Hada wixii Xun ayaa laysku amaanaa Adiga oo arkayaa in uu khalad samaynayaa ayaaa dadku dhabarka kasii taabanayeen,kii dhabarka laga tabanayay isaga oo Mooge ah ayuu run moodayaa siduu usii wado mala awalkiisa iyo been abuurkiisi.
Markaasi Shabakadaha Cusub,Ee Allboon.com Iyo Hiildan.com Sanadkan Cusub Ee 2009 Akhristayaashu aad ayay u korodhay iyaka oo aan ka codsanayno inay sii laba labaan dadalkooda siday wararka gudaha iyo kan dibadaba usoo gudbin lahayeen,
Mamulahan waxa uu ku aamaanan yahan sida uu mar walba iyo sacad walba uu wakhtigisa qaaliga ahaa uu u siiyay in uu dadka dibad iyo gudaba uu ka arad tiro wax walba oo ay u baaahnayeeen,
Anigu waxa ka mid ahaa akhristayaashii igu horeeyay ee markii la aasaasay hiildan.com sanadku markuu ahaa 2005 sida joogtada ah u akhrisan jiray sugaanta ku qornan jiray xiligaasi iyo warkagaba
Hadalka Waxa kusoo Gunaanadayaa,Mamulaha labada website Ee Allboon.com Iyo Hiildan.com Waxa uu kali ah sameeyay waxa ay ahay in uu dadkii Hal Sali ku wada jiifay u sameeyay Sali Labaad si Cadaladi u timaaado.
Ojor Daahir Ojor
London, Uk



