Wali ma ku fikirtay in shareecada Islaamka si Badhax Tiran Looga Dhaqan Galiyo Somaliland?
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada, iyo akhristayaasha sharafta badan. Quraanku waa fasaradii iyo tifatiridii uu inoo soo dajiyay rabigeenii ogaa sirta iyo waxa qarsoon Rabigii ogaa waxa isha iyo laabtu qarsanayso. Islaamku waa diinta Allaah ee saraynta leh ee uu udoortay jiritaanka oodhan.
Ma aha aadimga oo kaliya, laakiin dhamaan abuurista iyo khalqiga jooga kownkan, cirka iyo dhulka aan ku noolnahay ayuu ugu tala galay inay ku ogaalaadaan Allahooda iyagoo isaga kaliya caabudiya kana danbaynaya.
Macnaha kaliya ee uu ina tusiya erayga Islaam, ayaa af carabi ahaan ah u hogaansanaan, is dhiibid, ujajabsanaan iyo ogolaansho. Inta jeer uu eraygani soo galay Quraanka kariimka ah ayaa waxa uu tilmaamayaa dhamaan micnayaal kan isku dhaw dhaw ee aan kor ku xusnay. Aadamiga inta Allaah aaminsan, waxa guud ahaan laga helay inay ogaalaansho ay doonista Alle iyo diintiisa u hogaansanyihiin. Inta aan Alle ogalayna waxa iyaga oo aan ogalayn ka socanaya oo ay fulinayaan doonista iyo qadaraka Rabi.
Akhriste mar haduu hadaba xaalku sidaasi yahay, wali ma ku fukirtay in shareecada Islaamka si badhxan looga dhaqan galiyo Somali land, iyadoo meesha laga saarayo dastuurka iyo qaanuunka uu aadamahu qacantiisa ku qortay. Iyadoo naftii naf disha loo dilayo, qacantii wax xada la jarayo,qofkii xumaan iyo fusuq gala lagu abaal maraniyo sharcige Alle udajiyay. Hadii jawaabtu haa tahay maxaa loo waayay xukuumad dhaqan galisa diinta islaamka iyo shacab ku dhaqma labada.
Waxa iyadanu su aal meesha taala ah maxaa loo waayay nin ka mida madaxda xisbiyada iyo xumaakadaba oo ololihiisa doorashada ku dara in uu wadanka ku xukumi doona shareecada Islaamka oo badhax tiran, inta shacabka masaakiinta ah ee abaaruha iyo shaqa la aantu baa` bi say, loogu sheekaynayo bada iyo buurahaan dahab ka dhigayaa , cirkaan ranjiyayn , iyo shookooyin aan waqti xaadirka ah macquul ahayn.
Isku soo wada xooriyoo hadal waxa ugu khary badan hadalka Illaahay. Hanuuna waxa ugu khayr badana hanuunkii Nabi Maxamed (N N K ), umuurtana waxa ugu shar badan waxa diinta lagu soo daro oon Illaahay sharciyayn, wax kastoo diinta lagu soo daraayina waa bidco iyo wax been abuurad ah, bidca kastaana waa dalaal iyo lumis, dalaal iyo lumis kastaana Naarta ayay ku danbaysaa.
Wabilaahi tawfiiq
C/laahi Xaaji Siciid – Norway
Eamail- cubeesh@hotmail.com



