Abaal Daranow ka Joog Ibraahim !!!!!!!!!!!
Aniga oo ka mid ah akhristayaasha website yada maxaliga ah waxaan halkan kaga jawaab celinayaa maqaal ku soo baxay Hadhwanaag News 30kii October.
Kaas oo dhaleecayn badheedh ah oon geed loogu soo gaban Bahweynta Reer Awdal ee jecel Qadiyada Jiritaanka Somaliland, waxkasta ka hormariya danta Qaranka. Anigoo tix raacayaa hadalada aan kor ku soo xusay jecelna in aan xog waran ka bixiyo xaqiiqda.
Iyadoo la wada ogyahay marxaladihii uu soo maray Wadankan Somaliland ayaa layska indho tiri karin kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka soo ciyaareen Reer Awdal, sidaas oo ay tahay ayaa wixii dib u dhac ku yimaada hawl kasta loo anaaneeyaa Beel dhan oo aan sal iyo raad ku lahayn oo ay iska jeclaystaan dad ku shaqaysta qabyaalada iyo siyaasada Tola’ayda ah.
Hadaba qof kasta oo Somalilander ah waxa uu ogyahay ama uu aaminsanyahay in laga soo gudbay dariiqii Qabyaalada ee reereerka ahayd. Guulahaa laga gaadhayna waxaa keenay Madaxweynaha hada talada haya Mudane Daahir Rayaale kaahin.
Muda sanado ah ayaa laga joogaa xiligii loo soo gudbay Xisbiyada Dastuuriga ah, dadweynaha Somaliland way soo daaleen waxaa la jooga xiligii aay la jaan qaadi lahaayeen Dawladaha jaarkooda umana baahna shakhsiyaad gaar ah oo dana ka leh khilaafka laga dhex alooso dadyawgan isku ooda xiga. Isaga oo uu ku yaal Dalkani yari wadamo ay hadheeyeen dagaalo sokeeyo iyo qabiil nacaybsi waxaas oo dhan waxaa Somaliland kaga soo gudubtay wada tashi iyo isu tanaasul.
Akhristayaasha ama qof kasta oo muwaadin Somalilander ah marka uu maqlo Awdal (Boorama) waxaa markaa qasab ah in uu xasuusto Magaca Somaliland, sababtoo ah waa Gobolkii loogu gogol xaadhay guntiga dhiisha iskaga dhigay si uu u sameeyo, isaga oo uu ka horeeyey shirkii Burco lagu qabtay iswaydii maxaa dumiyay Shirkii Burco, hadana dhisay Shirkii Boorama waa wanaaga iyo xilkasnimada ay kala leeyihiin Goboladu.
Hadana sidaa ay tahay ayaa anagoo karna inaan qaadano Kursiga ugu sareeya Dalka ka doorbidnay in la helo dawlad dhaqaaqda oo aan noqon sidii tii Burco ka dhacday. Sida ay ogyihiin Caalamku in aanay miisaanayn kuraasta Xukuumada oo ay u janjeedho dhinac ay dadwaynaha Reer Awdal oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Xukuumadu raadiyaa Ictiraafka iyada oo ay taasi jirto.
Mida labaad markii uu xilka hayay Madaxweynhii hore Alla ha u naxariistee wax jira ma ahayn Dawladu ee waxa ahayd oday Beeleed dhexdhexaadiya Beelaha wada daga sadeexda Gobol Awdal, Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, iska daa wax kale aanay jirin Gobolo kale oo ay ka taliso Xukuumadiisu, waxaa lahaa awooda Odayaasha iyo Caaqilada Beelaha dhexe tii ayuu ka baxay Madaxweyne Rayaale oo uu u gudbay Sharci iyo Dastuur Dimuqraadiyad, markaa waata keentay maanta in ay dhaliilo keenaan inta ku shaqaysata Tola’ayda.
Xukuumada ka horaysay Madaxweyne Rayaale oo uu ka talinaayay Cigaal waxa uu magacawday Gobol aan hore u jirin oo ay dagaan Beeshiisa gaarka ah, isaga oo ka geestay dhibaatooyin badan Gobolka Awdal oo ay ka mid tahay Haya’adaha maanta dagen hargaysa oo xaruuntoodu ahaan jirtay Boorama kuna qasbay hadii kalena ay ka guuraan Dalka, iyada oo sidaasi jirto ayaan hadana ahayn (Gobka Somaliland) kana jeclayn in ay cagaheeda isku taagto. Waxaan diidaynay Geedkaan beernay in aan gacantayada ku goyno Somalida ayaa tiraahda: (Gacantaada oo Gubata Goshaa lagashadaa) sidaa ay tahay ma anagaa waalan mise Beelaha dhexe ayaa lagay heesayaa.
Mida sadexaad waxa la xasuusan yahay in la qabto koob loogu magac daro Koobka Gobolada Dalka Somaliland wixii ka dhacay waa loo wada joogay in ay noqotay Qabiil, ma dadka lagula heshiin waayay Kubad naqas ku jiro ayaan ka sugaynaa inaan kula heshiino Siyaasad iyo wax ka weyn. Heer ay ka gaadheen inay laayaan Ciyaartoyga Gobolka kaliya ee ka duwan xaga Beelnimada waa Awdal (Boorama) markhaati aan ka ahay wixii halkaa ka dhacay oo aan ka mid ahaa.
Mida afaraad waxaa loogu yeedho Riig ee lagu qodo ceelasha aya la ogaa dhibtii ka dhacday Beesha dhexe Odaygooda, Cuqaashooda iyo Waxgaradkooda erayadii ka soo baxay, xitaa dhimasho iyo dhaawac ka dhaceen erayo been ah oo lagu tuuray Maqaaxiyaha Hargaysa oo ahayd Boorama ayaa lagaynayaa. Alxamdu al Shugri Boorama iyo Biyo waa layskugu duceeyay, iyagoo u baahnayn ayaa dhibta intaa leegi ka dhacday matalan hadii ay dhici lahayd in ay u baahdaan Reer Awdal Ilaahay kama yeelee maxaa dhici lahaa!!!!!!!!!!!!!!!
Mida shanaad Goboladii lamagacaabay cida dulman waa lagu yaqaana iyo Diiwaan-galintii ka dhacday Somaliland waxa dhib ku keenay waa beesha dhexe intii ay lahaayeen ka bata Awadal ayay ku laaleen Doorashadii kana Masuul yihiin dib u dhacyadaa ku yimid iyo dhibta ka taagan Dalka maanta.
Hadaba iyada oo taasi jirto ma Reer Awdal ayaa u qalma erayo meel ka dhac ah mise waa kuwii loo dhisi lahaa Taalo Sharafeed, waxaas oo dhan oo jira ayaan ku iloownay ujeedaduna tahay inta aan dhalnay Somaliland, Somaliland waa Ina Awdal mana jiraan wax nagu qasbaaya Somaliland. Dadka sheeganaya magaca Beelaha Dhexe adiga iyo inta kula fikirka ah ha isilowsiinina Awdal in ay tahay Dhabar aan laga maarmi karin dhinac kasta ha ahaatee Aqoonta ay wax bareen dhilinyarada Somaliland gabi ahaanba Hoyga Aqoonta Camuud, siyaasada oo lagaga daydo Dalka iyo Gobolada Somalilandba.
Hadii aan leedahay maad qabataan Rayaale reer Boramow wa ka keenay sharciga lagu dhaqmo dalka guud ahaan iyo Xuduudaha Dalka. Somalida ayaa tidhaahda: Baroortu orgiga ka weyne
ayaa aloonsay, tii Siyaad ayaad markasta ka sheekaysaan markaa waxa ku jira maskaxdiina waan daalacan karnaa oo ah ma meeshaad u soo dagaalanteen ayay inigu maamulayaan kuwii dhibta ini mariyay . Ha iloobin adba inaad ku saamaxnay oo aad dhibka gaysaten borama markaa ciilka iyo cuqdada kadaa aad soo foqayso ee la iloobay, Mudane Rayaalena wanaagna ayuuu ka matalaa reer awdal ee xumaanta waxa been abuuraya waalagu yaaqanaa oo waa qabiil nacaybnimada dadka ay hayso.
Gaar ahaan tayo micnaha reer Awdal hadaan la xisaabtami lahayn rayaale waxa an ku daynaa ta guud ee u hagaajiyay iyo guulaha uu somlliland u soohooyay , deelqaafka ka dhawr rayaale intii u gadhsiiyay cigaal waa la ogyahay in aanuu dhaafin isreal iyo heblaayaan la kulmay maantana waxaad maraysa heer lagaaga furo magaalada hargaysa BCI MR BANK oo lag leeyahay dalka Fransiiska , kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada markanka u qabilsan Africa FREZER oo kugu timid somaliland si ay qadiyadaaada ugudbiso Maraykanka waa taariikh uukuu soo hoyay madaxwayne rayaale ta kale Davidka England oo arimaha dibada ah iyo dhamaan dalka caalamka oodhan ayuu guulo laxaad leh ka soo hooyay .wax qabad lasoo koobo malaha mudane rayaale ee waxa aad ka doonaysaan maad u badheedhaan oo ah minority ayan noqonay maad iska tidhaahdaan . dhaman safiirada wadamada reer galbeedka o kuu yimada maad aqoon ee waxa ku baray dooroone daahir rayaale kaahin iyo dhibtan la isku haysto ee diwaangalinta oo ay ka mid tahay waxqabadka gaarka ah ee madaxwayne rayaale.
Ta sharciga horta ma dhabaa mise waa dheel in qofkasta oo kulmiya taageera inuu baalmarsan yahay dastuurka Somaliland oo ay kala garan leeyahay cid ay khusayso mudo kordhintu iyo awoodaha sida loo kala leeyahay .Hadii aan xidhan tahay surwaal oo aad meelka mid ah taabato oo ay dun noqoto maha micnaheedu waa wada dun ee waa inaad wada eeg taa inta kale oo dhan marka waa inaad barataan dhamaan reer kulmiyoow dastuurka qaranka dalka. Dhamaan waa inaa laga wada shaqeeyaa nabad cidkasta oo ay khusayso ee ay dan u tahay ha la ogaado cid ka soo horjeesata waxa qabanayaa hadalkii dhaxalgal ka ahaa ee ninkii ka soo horjeesada sharciga dalka u siqiirayaa.
Awdal waa Astaanta Guusha, Muuqaalka Dalka iyo Danta Umadaha Somaliland, Qalinkaa wax suureeya kugu sima halka aad doonto Allaw daa Awdal.
Qalinkii
Abdulqadir Jaamac Cabdillahi
Wadaadyare410@hotmail.com
City Boorama Awdal



