Colaada Dagaal ee u Dhaxaysa Bariga Dilla iyo Galbeedka Gabiley Waa Qandaraas ay Qaateen Dahir Rayale, Wasiirka A/Gudaha iyo Ina Maxamed Raage
Illaahbaa Mahad oo dhan iska Leh, Nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato Nabigeenii Suubanaa Maxamad SCW, intaas kadib waxaan halkan kasalaamayaa dhamaan Mareegaha internetka ee Jamhuuriyada Somaliland (JSL) noona soo gudbiya wararka wadanka hooyo…Carabta ayaa ku maah-maahda (Qaliq Baabak Xusnu jaarak) albaabkaaga oo aad xidhataa waa jaarkaaga wanaagiisa oo loola jeedo hadii aad iskasoo horjeedaan jaarkaaga oo labada albaab isku beeganyihiin oo aad albaabkaaga xidho waa asturaad adigana waa kuu asturaad jaarkaagiina waa u asturaad waxaaba laga yaabaa dumarkii oo iska madaxyo qaaqaawan in ay ishaadu ku dhacdo hadii labadaasi albaab mid laxidhi waayo waana run, intaasi waa sharaxaadii gaabnayd ee aan ka bixinayey Maah-maahda kor ku xusan. Waxaan ognahay dhamaanteen akhristyaasha sharafta lahow in dagaal iyo colaad horlihi kasoo cosboonaatay Galbeedka Gabiley & Bariga Dilla, Gaar ahaan Ceelbardaale iyo Hareerahiisa taasina aan odhan karno waxa ay halis ku tahay Nabadgalyadii iyo dawladnimadii ay ku faani jirtay JSL run ahaantiina waa shirqool loo maleegayo beelaha wada dega degaankaas,shirqoolkaasna waxaa ka danbeeya oo faraha kula jira Dahir Rayale iyo Wasiirka Arimaha Gudaha mr CIRO waxaana fulinaaya Maxamad Raage oo isagu kaga faaiidaysanaya dhulbaladhsi siyaasada UDUB ee ah qaybi oo xakun iskana horkeenaya bulshada ku dhaqan deegaankaas, Waxanan shaki ku jirin in dagaalkaasi cirka isku shareeri doono kadib markii gudigii loo xilsaaray ay ka gaabiyeen katalinta arimaha keenay colaada oo ahayd in ina Raage ay u sheegaan hadii wax danbe uu ka yimaado in uu isagu ma’uuliyadeeda yeelan doono Gudiga la dhaariyey ee labada dhinacna ay caawiyaan nabad galyada inkasta oo aanay mas’uuliyadeeda dagaal iyagu iska lahayn waayo iyagu waxay katalinkaraan nabad hadii la dhaarshay iyo hadii aan la dhaarinba iyaguna maaha kuwa dagaalka oogaya waxaa loo dhaariyayna waaba qalad xagayga ina Raage in la dhaarshaa bay ahayd halka laga dhaarshay 25ka dhinaca bariga Dilla 25ka dhinaca galbeedka Gabiley.
Mid ayaan odhan lahaa Madaxweyne Dahir Rayale.
Dhulka maanta shirqoolka aad u maleegaysid waa dhulkaagii barito marka uu xakunkaagu dhamaado waa hoygii aad kusoo hiranaysay ee aad kaga nasan doontid Hatigaadii iyo huqdii ay keentay siyaasad xumadaadu ee aad kaga dhuuman doonto weerarada ismiidaaminta ah ee AL-Qaacida hada Masar iyo Dubai ayaad guryo ka dhisatay yaa kaa illaalin doona weerarada Islaamiyiinta waxaas oo dhana waxaad kaga badbaadi lahayd Gobaladaada aad cuna qabataysay Masar iyo Imaaraadku kuma ilaalin doonaan kuna siin maayaan gaadh kaa dhaba AL-Qaacida wax u dhigo tolkaa iyo Goboladaddii, waana tan aad maanta gacmaha ka laabatay ee aad u bixisay ina Raage iftiinka cagaaran si uu u baacsado bulshada xaq u dirirka ah ee Bariga Dilla waa hadii ay dhacdaba in uu baacsadaaba’e maxaa yeelay qofkastaa xaqbuu u leeyahay in uu difaaco Naftiisa, Maalkiis iyo sharaftiisaba, waxaanad ogaataa in aanaan marna u ogalaan doonin in uu kusoo sinqo ina Raage taako ka mid dhulkayaga hantidayada iyo Buurahayaga macdanaysan iyo beerahayagaba. Waxaanan kaa codsanayaa in’aad iska casisho xilka madaxweyne ee aanad waxba ugu filayn tolkaa iyo Goboladaadii aad kaasoo jeeday taasina hadii aad yeeliwaydo waa mid noosiisiyaadinaysa horumar la’aan iyo dib u dhac hor leh.
Midna Waxaan Odhan lahaa Wasiir Ciro
Caado ayey kuu tahay marka ay ka dhacdo wadanka qulqulado iyo qalalaase dagaal oo aad adigu lug ku leedahay inaad qiiqa isku qariso oo meelo kaleenood shaqo ku lahayn ayaad ku meeraystaa mar aad SIIRAANYO XAGXAGATO UGUNA CAGAJUGLAYSO XABAD IYO XADHIG OO AAD TIDHAA MA MUDAHARAADI KARTAAN, WAAR SIIRAANYO HADUU MUDAHARAADO IYO HADUU DAGAALAMOBA WAA HALGAMAYAASHII KA XOREEYEY TALISKII AAD BASAASKA C.I.D U AHAYDEEN ADIGA IYO CAWILE MAXAAD WAX UGA QABANWAYDAY DAGAALKAN SOKEEYE EE AAD ADIGA U DIIDANTAHAY INAAD HAWSHADII GUDATO EE HAYD W/A/GUDAHA.Hadii aanad ka danbayn oo aanad daaha gadaashiisa ka Remuutgaraynaynin ina Raage,isaguna kaahaysan kalsooni ina adeernimo iyo mid siyaasadeedba maxaad uga hadli wayday dagaaladan soo noqnoqonaya ee keenay dhimasho iyo barakac aan lasoo koobi karin ee aad labad beelood uga dhex oogaysaan dagaalkaasna waxa ku dhinta adiga iyo saaxiibadaa UDUB ayaa lagala xisaabtami doonaa inshaa’allaah.
Ina Maxamed Raagana Waxaan leehay
Dadka aad xabada ku khuukhinayso waad garanaysaa oo waa qaar aad u abtirin karaysid adigana kuu abtirinaaya xabaduna waa isku xanuun midna biyihii zamzamku kama dhacaayo kalagu rido iyo kasoo ridaba way ku dhici kii gardarada lehna ilaahaybaa ka’dhana kii laga gardaranyahayna illaahaybaa lajira………………………………Hadii aad isleedahay (HABAR-AWAL) maanta ayey ugu roontahay ee ka faa’iidayso siyaasad xumada Dahir Rayalena waykuu hiilin doontaa walee waad ku hongoobi oo wadanka dhanbaad ka guuri doontaa iska daa meesha aad hada leedahay beeraa la iga haystaaye waxaad is arki doontaa adiga oo Hargeisana aamini waaya hadii aad ka waantoobi waydo ward-lordsnimada, Waxaad tahay dagaal ooge xun oo u haliilaaya cadaawad hor leh Mana xeerinaysid Abtinimo, Gacal, Ediyo iyo Habaryartoona Waxa dagaalkaasi iyo barakacaasi ka yimaada adigaa u qoolan oo dhulka aayar daasha daashoon maysid ee waxaad ku noolaan doontaa hadii aad noolaataba JIXRAL-XIMAAR hadaad gashana waan kaasoo saari doonaa marka Maamulka Dahir Rayale iyo Mafiyada UDUB lagaga takhaluso hadii illaahay yidhaa ee wadankana doorasho xalaal ahi ka dhacdna waxaa lagu horkeeni doonaa maxkamad cadaaladeed oo ku marisa abaalkaaga.
Wabillaahi Towfiiq
Maxamad C/Raxmaan Sheekh Shariif
Sanca, YEMEN



