Maanso ( DHAWRKANI BAL SIIQORO) - By A. Cige
Salaamu Calaykum: dhammaan akhristayaalsha sharafta leh salaan kadib bal maansadan xiisaha iyo humaaga shishe iyo doorashada diineed ee qofka kulaqaybsanaya nolosha salka uah
maansada waxay ka dhalatay kadib markii nin aan saaxiibnahay igula kaftamay waqtiaya badan inuu aniga iimaqan yahay iina guurinayo!!talo maan gaboobay misa waxoogaa bidaara ayaa suuqa iga xumaysa ” sikastaba hanoqoto waxaan ugu jawaabay ninwayn oo xil isasaaray lama horjoogsadee hadiiba aad sidaa garatay qodobadan bal igasii qor si aad rabitaankayga uga soojawaabto …..waatan maansadii DHAWRKANI BAL SII QORO
akhris wacan
Inaan dhaanto tiriyoon
Dhoodhoobo xiisaha
Dhakadii kadaashoo
Mar aan dhawr kasiidayay
Xarfahaan ku dhayi jiray
Nafta dhibic umay tarin
Dhiigaan u fari jiray
Dhagax maanta igu noqoy
Oo dhaqaaqba laga waa
Gunta aan u dhaadhaco
Waxa iga dhawaajee
Kalinoole igadhagay
Soomaali dhaqankeed
Iyo dhawrsi diineed
An udhigo tusaalee
Bad dhexdeeda ruux galay
Gun hadduu udhaadhaco
Dharku yuuna kaa qoyin
Qaanuunku muu dhigin
Anna dhidib si’aan ahay
Inaan maalmo soo dhaxo
Damiirkaygu muu dhigin!!
An udhaco fariintee
Horta waa dhabtaydii
Ee maanta iga dhugo
Waa diyaar dhankaygee!!
Haddii dhiiranaantii
Iyo soo dhammmayntii
Amma dheemankeentii
Adu dhabarka saartood
Iidhiib go’aan tidhi
Haye waa dhankaageee
Dhawrkani bal siiqoro
Inkastood dhabhaantii
Nin wax dhiibsha aad tahay
Kolay dhooba jiifyada
Dhaqo odhani mayside
Horta dherer ogow kaw
Laba dhumucda wayn iyo
Midab dhuxula iga reeb
Dhiinkaan ka jecelahay
Iyo dhaayo waawayn
Xaragada dhaqaaqa leh
Iyo dhoolka biidkaa
Sanqaroorka dhererka leh
Iyo sheeka kala dhilan
Iyo dulucda dhadhanka leh
Ha dhalaalo foolkuna
Ha dhisnaato qoortuna
Habislaado dhabankuna
Waa inayna soo dhaqan
Amma toban ka hoos dhicin
Dhexdhexaadku waa door
Ku dhawaad labaatana
Amma dhawr gu’ laga jaray
Dhaqankeeda diineed
Iyo dhawrsanaantiyo
Xijaab dhiilka sare bilaw
Dhulka hoose jiitiyo
Jidh dhaliisha laga jiro
Oo dhaarta fulinkara
Oo dhiisha cugi kara
Ku jeedaali dhaayaha
c/fataax daahir cige (saylici)
mudane_22@hotmail.com
Cairo, Egypt



