Aqoonsiga Somaliland, iyaa Haya, Mase Yahay Daruuri? By. H. Gahayr
A. Hordhac: Waxaan filayaa su’aashan jawaabteeda in dadka badankiisu, meel dheer oo
debeda ku taal, ay ka raadiyaan. Nimba meel bu kala dhacaa: Ingiriis,
Mareykan, Faransiis… Haddii ay taasi jirto, maxay dawladahaasi uga
meeraysanayaan labaatan sano ku dhowaad ayay ummadda reer Somaliland
raadinaysaa tageero iyo aqoonsi eh? Ta kele, horta aqoonsigu ma yahay
daruuri?
B. Aqoonsi maxaa loo waayay? Ayyaase hayya?
Xaqiiqadu waxa weeyi, ninka qareen ka dayaa guumaystayaasha, isagaa
daali. Waayo, guumeystayaashu dantooday goorwalba ciyaarayaan. Markaa
innaga teeni iyaa ciyaaraya? Guumestayaashu waxa weeyi kuwa haddii
soomaalida kele aynu doono inaynnu ka mid ahaano, isku taxallujin doona
inaan taa la hellin. Haddii aaynnu doonno in aan keli istaagnana, waxay
had iyo jeer raadin in taasi, aanay suurto gellin. Dantooda maaha qaran
adag oo soomaaliyi leedahay, ha yaraado ama ha weynaado. Waxa taa ka
maragkacaysa taariikhdeena. Markaa maxay doonayaan? Waxay doonayaan in
aan weligii reerkeennu si rasmi ah u deggin oo aan weligeen, kabna
lullo, kabna laalaadinno. Somaliland iyo soomaali kele midna ma rabaan
guumeystayaashu (oo doormoodkoogu yahay Ingiris iyo wuxuu sii dhalay
sida Maraykanka). Ingiriis waxba uma ogola kuwii, doon dusheed, haragga
kaga saxeexay in aanu dalkooda kuna dhallan kuna dhiman, cishada ay
doonaanna, uu ka kaco!
Waxaan maanta aragnaa gumaystayaashu inaanay innalaba xaajoon si toos
ehe, ay arrimeheenna qandaras hoose (sub contract) ku siyeen xabashi iyo
kukuuyo. Markaa aqoonsi iyo taageero daacada ninkii ka sugoow, aduumbaa
daali.
Hadaba aqoonsiga Somaliland halkee laga raadiya, ee kele? Jawaabtu waxa
weeyi ha laga raadiyo Somaliland gudeheega. Maxaa markaa loo garanwaayey
intaa, waa hore?
Waxay ila tahay in aan lagaran waayi lahayn, haddi awooda ay gacanta ku
hayaan siyaasiyiin ujeedadoodu ay woxogaa dhaafsantahay kursi. Lama
garan waayi lahayn, haddii siyaasiyiintu ay ka hooseeyaan dastuurka iyo
qaynuunnada waddankoogu leeyahay. Lama garan wayi lahayn, haddii
siyaasiyiinta badankoogu aanay lasoo shaqayn xukuumadiihii hore (min
Ingiriis illaa M. Siyaad). Lama garan wayeen, haddi siyaasiyiinta, gabi
ahaantood, xoolohooga iyo xamastooduba waddanka gudihiisa yaallaan. Waxa
aqoonsi loo laayahay, waxa awooda gacanta ku haya koox u baahan had, iyo
jeer, in ay jiraan dhibaatooyin xalkoodu cirka ku laalanyahay. Waddanka
waxa xukuma Daahir Riyaale oo ka dhigay meel walba, digo hoosta ka nool,
sidaynu ku aragno degmada Ceel Bardaale. Isku jeedi, si, ay kaaga
jeedaan! Inta ay ninkaa iyo kooxdiisu waddanka xukumayaan, la heli maayo
nabad ku salaysan caddaalad. Inta aan taa la helinna, lama helayo
aqoonsi. Taasi waa sobobta koobaad.
Midda kele dadka reer Somaliland (ama soomaliduba caam ahaan) qolooyin
badan inay kala yihiinbay ismoodaan. Ta ka daran, qolo waliba marka ay
isku keliyaysatto, waxaay sii kala noqotaa qolooyin badan. Waxa qolo la
yidhaa, meel ay ka bilaabato moyee, ma le meel ay ku dhammaato. Sida ay
u socoto waxay keentaa in shaqsi walba qaybta soo galo (isagoo waliba
aan doonayn inuu wax qabto). Bal hawiye iyo magaaladii Xamar uun isku
eega! Qaran amba qabiil?.. Nin waloowba adigu horta soo kala miyo
(dooro). Imika ahaan reer Somaliland qoladii bay doorteen oo haystaan.
Qabiilna qaran ma noqonkaro. Markaa aqoonsi maxaa lagu doonayaa, qaranba
ma jiree? Tanina waa sobobta labaad.
Hadal iyo muggii, waxa waddankeenu dhaxlay dhaqan siyaasadeed oo ay ka
tegeen gumaystayaashu : xukun iyo awood lagu qaybiyo qabyaalad aan
meella ku dhammaan. Aqoonsiga waxa ka horreeya xorriyad. Xorriyaddu
maahaa maro (calan) maro lagu bedelo, ama qof reer ah oo mid reer kele
ah lagu bedelo. Reerka ha ahaadee ayuu ka yahay? Iyaa imandoonta! Ayuu
hadana kasii yahay? iyaa xigidoonta… Bal adba ka bax. Tusbax furtay
dheh! Qabyaaladdu waxay ahayd hayb (address) la samestay wakhti iyo
wacyi labaduba maanta anay joogin. Qabyaaladda indhaha li’i waxay
keentay, dad kala dan oo hadana le waxbaan wada doonaynaa. Waa halkay
sartu ka qudhuntay.
Sida runta ah, soomaalidu meeshay doonto ha joogtee, waa laba qolo oo
keli ah: kuwa hantida ma guurtada ah le iyo kuwa kolba meeshi cirku ka
sanqadho uun geediga saara! Somaliland han usoo noqonnee, labadaa reer
uumbaa jira, jirina kara, haddii runta loo dhabogalo. Wixii kaloo
dhammi waa sheeko af-miinshaar.
Waxa nasiibdarro le, nin nefkiisa meeshu doono geysanaya ayaa maanta
maskaxda ka guumeysta kii hantida ma guurtada ah lahaa. Waxa isku bah
sheeganaya laba aan isku dan ahayn, haba yaraatee. Waxaan maanta aragnaa
nin beertiisa iyo guryihiisa mustaqbalkooga kala tashanaya nin nefkiisu
meel walba u raacayo. Xusuus gaabana dakeennu. Miyay durba illoobeen
xerroyinkii qaxootiga, markii ninkii nefkiisa watay ku wiirsanayey
inadeerkii oo ka soo bara kacay hantidiisii oo dhan (beer, guri, iwm).
Sowtii nin walba kii ugu xigay wax walba cirka ku geeyay (caano, cad,
qaad, iwm).
Waxa hadaba aqoonsi loo laayahay waxa u sobob ah labadaa arrimood:
a) aqoonsiga debeda laga raadinayo oo aan debeda jirin e, gudaha yaalla.
b) dadka hantida ma guurtada ah le oo uu maskaxda ka gumaysto nin walba
mid uu walaalkii u haystaa.
Markaa, ummad qiyaastii ka luntay, cidina aqoonsan mayso!
C. Aqoonsigu ma daruuribaa?
Haa iyo maya. Marka hore, haa. Waayo addunka badankiisa ilaaqaad iyo
wax-iswaydaarsi dheelli tiran lama yeelaan karo qaran qaramada kele
aanay aqoonsanayni. Arrimaha sida iibsiga hubka iyo waxyaabo kele iyaa u
baahaan aqoonsi oo aad ugu adag haddii aan la helin. Aqoonsi la’aantii
suuq madaw baad waxna ku iibinaysa, waxna ka iibsanaysaa, inta badan.
Marka xigana, maya. Waayo ninka isagu kalsooni isku qabaa, wax walba
isaga iyaa isku haya. Waxaan wada ogsoonahay waddanka la yidhaahdo
Taiwan inaan la aqoonsan illaa hadda. Lakiin haddana meel Alla meeshi
aad martaba, wax laga keenay baa yalla. Dhaqaalihiisuna wuxuu ka mid
yahay kuwa adduunka ugu sarreeya. Maxaa keenay? Waxaa keenay nin tashaday.
Hadal iyo dhamaantii, ninkii isagu ayihiisa ka tashadaa, nin kele u
baahidiisu hadday jirtana, way koobantahay. Addunka maanta, waxa habboon
ninna inaanad u baahan intuu kuu bahanyahay in ka badan. Illaa
walaalkaa. Walaalayaal, aqoonsiga cid kele inoo haysaa maaha daruuri!
Innagu dhexdeenna haddaynu is aqoonsanahay, iskuna filannahay, cidkele
uma baahnin.
D. Gunaanadka qoraalkaygan:
Waxaan isku deyey horta, inaan soo bandhigo waxa aduunku inooga sii
jeedo. Waxaan ku daray oo kele, in nabada aynu ku faannaa tahay digo
hosta ka nool. Waxaan ugu dambayntii isku deyey, inaan si kooban u
sharaxo, in aqoonsiga debedda laga hayaa, aanu ahayn daruuri. Hadalka
waxaan kusoo gunaanadayaa su’aal, kuwaa kaleen kusoo daallay oo dhan, ka
wada horreysa: Somaliland sidee ayeheega loo dhisayaa, wixii kele isagaa
iska imanne?
Waxaa aayaha dambe dhismayaa, haddii la helo:
1.Sharci adag oo caddaalad ku salaysan oo ina kala wada,
2.Dadka labada isku danta ah oo is bahaysta (qoloyinka oo laga dhigo
matalan, reer hanti-ma-guurtolay, reer baabuurrolay, reer xoolo-noollay,
reer makhaayadlay, reer dukaanyarray, reer dukaanweynlay, reer
sarriflay, reer saqadlay, iwm.)
3.Madax iyo odayaal aan lasoo shaqayn xukuumadihii hore, oo la doorto,
4.Madax xoolohooga iyo xamastooda, labaduba, wadanka yallaan, oo la dorto,
5.Madax sharciga ka hoosaysa, oo la doorto (oon kolba doorashada dib u
dhigin karin).
Awood iyaa u le in waxaasoo idil la hello? Ummadda reer Somaliland ee
laga jeedinayo xaqiiqooyinkaa lamahuraanka ah, iyaa awood u le. Ummadda
reer Somaliland, ee nin walba af-minshaar kursi doon ah, oo la ab ihi,
geed ku xidhay, iyaa awood u le. Iyadaa wax walba isku haysa.
Soomaalida kelena waa sidaasoo kele. Meel walba, wixii ina kala geeyay,
iyaa yaal. Waxaasi wuu innasii kala geeyn, haddaan iska qaban weyno.
Af-miinshaarka dantiisa gaar ka dhigaya dan guud (amba tu reer) ee inna
kala geeyay, wuu innasii kala geyn, haddaan iska qaban weyno, walaalayaal.
Nooli kulantee.
Xasan-Gahayr (Ottawa, ON)
hassan.aden@ncf.c



