Dadqalatanimada Somaliland, Daacad la’aanta Duqowdooda iyo Damiir xumida Siyaasiyiinta Dulmanayaasha Reer Awdal iyo Gabiley
Taariikhdii hore iyo tan usub ee soomaalida midna laguma hayo ficilka wuxuushnimada ah ee dhawaan ka dhacay dhulka u dhexeeya Degmada Dila iyo Gabiley halkaas oo sida la wada ogsoon yahay lagu qashay afar nin oo safar ah jidhkoodiina lagu googooyay xoolahoodiin lagu dhacy, dumar tirabadan lagu kufsaday iyada oo waliba ficil kasta oo anshaxa iyo akhlaada ka fog oo ay dadqalatadaasi sameeyeen ay sawir iskaga qaadayeen. Waxaa iyana wax lala yaabo ah oo fajaciso la qaadan waayo noqotay in odayadii, waxgaradkii iyo culimadii deegaanka ay dadqalatadu katimid ay qarsanayaan nimankaas dhiigyacabka ah oo si cad midwalba loo garanayo aabihii iyo hooyadiiba. Nimanka sheegta inay siyaasiyiin kasoo jeeda Awdal yihiin ayaad moodaa inay iyaguna maslaxadooda iyo kursi ilaasasho iskugu urureen oo noqday ninman guryahoodiiba iyo xaasaskoodiiba cabasho kataagan tahay.
Soomaalidu way is dili jirtay waligeed, laakiin waxaa dhaqanka iyo caadadaba ka mustaxeel ahaa in dad safar ah oo aan wax dareen ah qabin inta jid loo galo la jar jaro hilibkooda. Waxaan Waraystay oday soomaaliyeed (Geele) oo ii sheegay inuu jiro sagaashan sano oo aan uga waramay dhacdadan, oday Geele wuuqaadan waayay warakaa ilaa aan sawiradii tusay. “ waa aduunyo gadoon iyo ugaadhaw tani” ayuu yidhi. “Waxan oo kale ana ma maqal odayna iigama sheekayn, Waxaan kudhasay dhulka Soomaaliyeed ee xabashidu gumaysato tan oo kale kama dhicin waligeed, Amxaarna Muslim sidan uma qalan. Waxani wax Muslim sheeganayaa ma samayn karo gaal iska daaye.” Ayuu ii raaciyay. Ficilkan jariimada ahi waa taariikh xun oo qalbiyada iyo maskaxda aan marna ka go’i Karin. Kaas oo kuu sheegaya xumaanta dadkaas dadqalatada ah ka buuxdaa ay tahay mid ficilkoodu ka turjumayo.
Sida soomaalidu u samaysantahay, deegaan kastaa wuxuu leeyahay dad odayaal ah ,Waxgarad iyo Culimo udiin kuwaas oo ka shaqeeya wanaaga, maslaxada iyo danta guud ee ummada deegaankaas. Hadii ay dhibaato timaadana iyaga ayaa ka shaqeeya sidii dhibaatadaasi xal loogu heli lahaa. Hadaba iyada oo cidkasta oo deegaanaka labada degmo ee Dila iyo Gabiley ay si cad u garanayaan nimankaas dadqalatoobay ayaa laga caga jiidayaa in la soo qabqabto ragaas dhibta gaystay oo sida cad dhibtoodu aanay ku eekaanaynin dadkii ay gawraceen ee ay hubanti tahay hadii la qisaasi waayo oo xadkii ay galeen laga goyn waayo ay bari danbigan mid lamida ugaysan doonaan ninka manta qarsanaya ee is leh u hiili. Ninkasta oo qarinta nimankaas qaybku lihi ha ogaado inuu dagaal ILAAHAY kula jiro uuna danbarsan doono dulmiga iyo daalimiinta uu hoyga u noqday. nimanka fooxumad geystay in la qisaaso iyaga iyo nimanka guryahooda ku haystaba danbaa ugu jirta.
Nimanka wasiirada, xubnaha baarlamaanka iyo masuuliyiinta sheeganaya ee isku magacaabay inay matalaaan danta iyo maslaxada shacabi weynahay reer Awdal iyo Gabilay waa lagu khasaaray ummaddiina way jahawareeyihiin oo afar xisbi siyaasadeed oo lagu marin habaabinayo ummada ayuu midiba mid ku dhex milmay. Waxa kaliya ee ay umada iyo deegaankooda ay taraana waxay noqotay in dadka lasii kala fogeeyo. Shacbigaas dulman wax la’ yeelay mooyee wax loo taray ma jirto tan iyo intii ka danbaysay 1993. Ninka masuulka ahi ama ummadda magaceeda ku hadlayaa waa inuu danta ummaddaasna sheegi karaa, dulmiga lagu hayana ka hadli karaa, oo uu u doodi karaa, xaqoodana u keeni karaa. Nimankani itaas midna ma hayaan ee nin kastiba waxaad moodaa in loo igmaday inuu isagu guri iyo gaadhi quruxbadan Hargeysa ku dhexsocdo. Cidii laqalanayo iyo cidii la kufsanayana iyo cidii la dhacayaba ee dadkiisa ahna aanuu jiidhku u diirin waxqbada kale iskaba daaye. Inaad xaqaaga sheegataa ood dulmiga ka hadashaa ceeb maaha ee waa caaqilmimo. Tusaale ahaan waxaa Gobalkan Awdal ka dhacay dhibaatooyin tira badan oo tii u danbaysay ay ahayd roobabkii barafka watay ee xooladhaqatadii gobalka xoolihii ka dhameeyey sanadkii hore dadbadana ay ku le’deen, waa kuma masuulka kaliya( from employee to so called President) ee sheegan kara dadkaas iyo deegaankaas aan kasoo jeedo ayaan wax taray? Su’aasha jawaabteeda dadwaynahaa la waydiin. Shacbiga reer Awdal ee sharafta iyo xurmada badana waxaan u sheegayaa inaan ceel idiin qodanayn cidina idiin maqnayn ee katashada cadaawahoo isku tiirsanaada.
Foozi Samale



